Madaxawynaha DFS ayaa la sheegay inay 6 Caqabado ku noqdeen Isbaaro Siyaasadeed, wuxuuna caqada ugu xooggan kala kulmayaa Murashixiintii uu bishii Feberaayo kaga guuleystay Xilka Hoggaaminta dalkaasi.
Waxaa kaloo soo raaca caqabado horaadka soo raaca dhinaca Ammaanka oo uu kala kulmayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Awoodaha Qabaa’illadda, kuwaasi oo xadiday Fulinta Maamulka oo ay wehliso Xaalladda Dhaqaalaha ee burburi kara.
Warbixin ay qortay Xarunta Cilmi-baarista ee (Mogadishu Center for Research and Studies( ayaa lagu sheegay in caqbadda 1-aad ee Madaxweyne Farmaajo tahay Alshabaab oo loo arko cabsida Ammaanka Somalia iyo dalalka kale ee deriska ee Geeska Afrika.
Caqabadda 2-aad waxaa lagu xusay inay tahay Midnimadda Somalia, iyadoo Somalia ka mid tahay dalalka Carbeed ee ay soo wajaheen Burburka iyo Kala-qeybsanaanta.
Xaalladda Ammaan La’aanta iyo maqnaanshaha Doorka Dowladda Dhexe ee isku haynta Midnimadda Federalka ee dalka.
Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa ah Dowladda keliya ee ku dhawaaqday inay ka go’day qeybaha kale ee dalka Somalia, inkastoo aysan Somaliland helin Aqoonsi Gobaleed iyo Ictiraaf Caalami ah.
Caqabadda 3-aad ee Madaxweyne Farmaajo soo wajahday ayaa ah Maamulka Qabaa’ilka, iyadoo ay Hoggaamiyaha Beelaha awood ku leeyihiin Somalia, maadaama ay iyagu dhisaan Qeybta ugu weyn ee Siyaasadda Dowladda Somalia.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Awoodaha Qabaa’ilka ku leeyihiin dhulka ka sarreyso tan ay ku leeyihiin Awoodda Fulineed ee Madaxtooyadda Villa Somalia.
Sida laga soo xigtay Warbixin lagu qoray Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa London Caaqil Beeleed kasta waxaa la siiyey laaluush dhan 5,-000 oo Dollar si ay u soo doortaan Wakkiiladooda
Baarlamnka, kadib ,markii Madaxweynihii hore ee Dfs, Xasan Sheekh Maxamudu la soo doortay.
Wakiiladaasi waxay yihiin Xildhibaanadda Barlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Kuraasta Barlamaanka ee Doorashadii u dambaysay UU qiimahooda gaaray in ka badan hal million oo Dollar
Warbixinta waxay Caqabadda 4-aad eek u hor gudban Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Ciiddamadda, iyadoo Dowladda Somalia dhibaato kala kulmayso maqnaanshaha Ciiddan Xooggan oo awoodi kara inay dib u soo celiyaan Midnimadda iyo Ammaanka.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Awooddii Ciiddanka Somalia aad u tabar daraysay, kuna soo nolol qaateen Dagaal-beeleedyo.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in inta badan Ciiddamadda leeyihiin Qabaa’ilada Hawiye iyo Daarood, kuwaasi oo loolan adag ugu jira maamulista Ciiddanka DFS iyo inay xadidaan Galaangal;ka Madaxweyne Farmaajo u yeelan karo inuu ka guuleysto Kooxaha Jihadistayaasha, waa sida hadalka loo dhigay.
Weerarkii la doonayey inay qaadaan Ciiddanka DFS waxaa bedelkooda qaada Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.
Warbixinta waxay Caqabadda 5-aad ku sheegtay Xaalladda Dhaqaalaha Somalia oo sannadihii la soo dhaafay ahaa mid aad u sii xumaaday, WAXAYNA Dhaqaale-xumid ka dhalatay Xisiagdaha Amni-xumida iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira dalka.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey markii uu Madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay inuu sheegay inay Dowladiisa la dagaalami doonto Falalka Musuqa iyo Maamul-xumida ka dhex jira Hay’addaha Dowladda..
Madixii hore ee Waaxda Maareynta Maaliyadad Dowladda, C/risaaq Fartaag ayaa sheegay in in ka badan Hal BILLION oo Dollar laga waayey Khasnadda Dowladda muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii.
Warbixinta waxaa ugu dambeynti ilagu muujiyey in Dhallinyarada Soomaalida ee Shaqo la’aanta haysata gaarayaan 67%, halka 73% Dadka Soomaalida ku nool yihiin nolol saboolnimo leh, iyadoo qofkiiba helo maalintiiba wax ka yar 2 Dollar.