WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Telefoonka wada-hadal kula qaatay Amiirka Qatar

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Sidoo kale inta uu socday kulanka qadka teleefoonka Farmaajo iyo Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa waxaa looga hadlay xaaladdihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka muddo dhaafka noqday.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka iyo mashaariicda ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya dowladda Federaalka, iyagoona gudaha Caasimadda Muqdisho ka fuliya mashaariic horumarineed, sidoo kalena gacanta ku heysa dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar.

Madaxweyne Farmaajo oo Telefoonka wada-hadal kula qaatay Amiirka Qatar
To Top