WARARKA SOOMAALI

Haweeney ka tirsaneyd Wasaaradda Shaqada Xukuumadda oo lagu dilay Muqdisho

Agaasimihii waaxda Maamulka Maaliyada ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada DF ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Safiya Karaani ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan waxaa ay ku dileen agagaarka kaalinka shidaalka Hass ee wadada Maka Al Mukarama meel ku dhow Isgoyska Sayidka, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Raggii dilka geystay ayaa la soo sheegayaa iney goobta ka baxsadeen, waxaana goobtaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumad Safiya Karaani.

Safiya ayaa waxaa ay aheyd Agaasimihii waaxda Maamulka Maaliyada ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka, waxaana Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqada tacsi loogu diray qoyska iyo Ehelada Marxuumada.

 

Haweeney ka tirsaneyd Wasaaradda Shaqada Xukuumadda oo lagu dilay Muqdisho
To Top