WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar oo Telefan ku wada hadlay, Maxay ka wada hadlen?

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka Qatar ee QNA, Amiirka Qatar ayaa ayaa xalay fiidkii taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo.

Intii ay socdeen wada hadalada khadka taleefanka ayaa waxay dib u eegeen xiriirka labada geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal, iyo qaababkii lagu taageeri lahaa, loona sii xoojin lahaa.

Dowladda Qatar ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo horaantii sanadkii 2017 ayaa si dhow u taageertay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa la rumeysan yahay inay mar kale taageeri doonto dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, si ay danaheeda Soomaaliya u ilaashato.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top