WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanada Puntland oo Maanta kulan xasaasi leh

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa kulan Albaabada u xiran yihiin kulan yeelanaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas.

Kulanka oo saacadaha soo socda furmaya ayaa waxaa uu yahay mid uu dalbaday Madaxweynaha Puntland, isla markaana uu kulanka isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka, sida uu shaaciyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay kulanka su’aalo ku weydiin doonaan Madaxweynaha, isla markaana uu kulankaas yahay mid sidoo kale Arrimo kala duwan labada dhinac isku dhaafsanayaan.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay Xildhibaannada qaarkood kulamo gaar gaar ah yeesheen oo ay isla soo hadal qaadeen in mooshin laga keeno Xukuumadda Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanada Puntland oo Maanta kulan xasaasi leh
To Top