WARARKA SOOMAALI

DF oo Jawaab ka bixisay  Go’aan ay qaateen Shirkadaha Diyaaradaha ee gudaha dalka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay  hadal ka soo baxay shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Gobolada dalka, kuwaasoo sheegay inay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen Gobolada dalka, khatar amni oo ka jirta garoomada dalka awgeed

Qoraal ka soo baxay Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha ayaa ku eedeeyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed in aysan diyaar u aheyn xalinta caqabado ay sheegeen iney ka soo wajahday Garoomada dalka qaarkood.

Hoos ka akhriso qoraalka Jawaabta ah Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ka soo saartay eedeynta loo jeediyey iyo halista amni ee la sheegay iney ka jirto Garoomada Gobolada dalka qaarkood.

WAR-SAXAAFADEED

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).

HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.

Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso.

DF oo Jawaab ka bixisay  Go’aan ay qaateen Shirkadaha Diyaaradaha ee gudaha dalka
To Top