WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Soomaaliya oo lasoo xidhiidhay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni.

Muqdisho (HM)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garawe laguna dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) .

War kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay qaraxaasi ka dhacay magaalada Garawe , waxaana Madaxtooyada Soomaaliya ka tacsiyadeesay geerida ku timid Gudoomiyihii gobolka Nugaal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garawe ee caasimada Puntland.

SOMALI NEWS

To Top