WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo war saxaafadeed ka soo saaray Shirkii Maamulada uga socday Kismaayo Qodobadii ka soo baxay-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku baaqay midnimo iyo wadashaqeyn, kaddib war murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, kaasoo dhaliilo loogu jeediyay dowladda Federaalka.

War saxaafadeed caawa laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu si dhow ula socdo dareenka ay muujiyeen Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay mar walba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa war murtiyeed ay soo saareen kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan amniga, siyaasadda, federaaleynta, kheyraadka iyo arrimo ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka, waxaana qoraalkooda oo ahaa mid kulul uu xataa durayay awoodaha dowladda Federaalka.

HR

SOMALI NEWS

To Top