WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo Amar dul-dhigay saraakiisha ciidamada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Maamulka Puntland, sida Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee dhinaca amniga deegaannada Maamulka iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha nabadgalyada ah oo ay wadaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saraakiisha ciidamada ka dhageystay warbixin ku saabsana dardargelinta amniga Guud ee Puntland, isagoona ku amray ciidamada inay sii laba jibaaraan shaqooyinka, lagana hortego wax kasta oo amni darro keeni kara.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka uu la qaatay saraakiisha ciidamada Puntland ku wehlinaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, waxaana kulanka ka qeyb gashay saraakiisha ciidanka Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.

Madaxweynaha Puntland oo Amar dul-dhigay saraakiisha ciidamada
To Top