WARARKA SOOMAALI

Ciidanka NISA oo howlgal culus ku dilay xubno isugu jiray Soomaali & Ajaanib

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyey beerta shariifka ee deegaanka Nuungare oo 8-km kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska NISA ayaa shaaciyay in howlgalka lagu dilay dagaalyahano farabadan oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib, kuwaasi oo ku sugnaa sida la tilmaamay goobta uu ka dhacay howlgalka ay fuliyeen ciidamada Nabadsugida.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 40-ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay ku jireen saraakiil iyo dagaalyahano, halka sidoo kale laga dhaawacay xubno kale, waa sida lagu sheegay War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaalada wararka SONNA.

“Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale waxaa intaas lagu sii daray “Ku dhowaad 10-Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayey hawlgalkan, waxaana sidoo kale jira xubno kale oo lagu raad-joogo kuwaas oo isku dayaya inay baxsadaan”.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe hakad galay howlgaladii lagula dagaalamayay Al-Shabaab, kadib markii ay Shabaabka kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda, oo ay ku galayaan weeraro ku bilowda qaraxyo.

Ciidanka NISA oo howlgal culus ku dilay xubno isugu jiray Soomaali & Ajaanib
To Top