WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha maamulka Puntland oo jaahwareer kala kulmay Safar uu ku aadi lahaa Kismaayo-Akhriso

Garoowe (HM)-Wararka ka imaanaya magaalada xarunta u ah maamul gobaleedka Puntland ee  Garowe ayaa sheegaya in Wafdigii Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Deni ee ka soo duulay magaalad Dekeda ah ee Boosaaso ay ku hakadeen Garowe.

waxaa la filayay inay galabta ka soo baxaan oo ay soo qaadaan xubno kale oo wafdiga ka mid ah, hase yeeshee safarkooda Kismaayo iyo Garowe oo 3 saac qaadanaya ay ku soo aadayaan xilli habeenimo ah oo aanay ka degi karin Garoonka Kismaayo, sidaasna uu safarkooda berri dib u dhacay.

Dhica kale Xog laga helay saraakiil ka tirsan hey’adaha dowladda ayaa sheegaya in la qaaday xayiraadii la saaray Siyaasiyiinta aadaya Kismaayo, isla markaana dowladdu dib uga laabatay go’aankaas kaddib markii uu dhaliyay dood sharciyeed ka timid Maxkamadda sare.

SOMALI NEWS

To Top