WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Khaatumo Oo Kahadlay Xanuunka Shuban Biyoodka Kadilacay Deganada Khaatumo Colada Koonfurta G-Sool Iyo Arimo Kale{Daawo Video }

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Aqoon Yahan Cali Khaliif Galaydh Ayaa Waxa Uu Maanta Shir Jaraa Id Oo Uu Kuqabtay Widhwidh Uu Kaga Hadlay Arimo Badan Oo Ay Kamid Yihiin

1 Xanuunka Shuban Biyoodka Ee Kadilaacay Magaalooyinka Buuhoodle Taleex Xudun Iyo Degano Hoostaga Gobolka Cayn
Madaxweynaha Ayaa Umahad Celiyay Dhamaan Cidii Kaqayb Qaadatay Gurmadkaasi Isagoona Dadka Reer Khaatumo Kacodsaday In Ay Isu Gurmadaan

2 Xaalada Colaadeed Ee Kataagan Koonfurta G-Sool
Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Ayaa Waxa Uu Baaq Udiray Labadaasi Beelood Isagoona Kacodsaday In Ay Colaada Joojaan Ayna Qaatan Nabada
Dhinaca Kale Taageeray Culimada G-Sool Oo Uu Sheegay In Ay Lashaqaynayaan Wax Allaale Iyo Wixii Ay Ugabaahdaana Ay Lagarab Taagan Yihiin

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

3 Xaalada Abaareed Ee Kataagan Deganada Khaatumo
Aqoonyan Cali Kahliif Galaydh Ayaa Siguud Uga Dayriyey Xaalada Abaareed Ee Kataagan Deganada Khaatumo Isagoona Madaxweynuhu Uu Sheegay In Dadkan Guud Ahaan Xoolihii Ay Kadhamadeen Hadana Ayba Nafahoodu Halis Kujiraan

Madaxweynaha Ayaa Dadka Reer Khaatumo Iyo Haayadaha Sama Falka Bixiyaba Ugu Baaqay In Ay Usoogurmadaan Dadkan Oo Ay Gurmad Raashin Iyo Biyoodba Lasoo Gaadhan

SOMALI NEWS

To Top