WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo hal Arrin kala hadlay Guddiyada Doorashooyinka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan mahad celin iyo dardaaran isugu jira la qaatay qaar kamid ah xubnaha guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland iyo heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafadka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay sida hufan ee ay usoo dhamaystireen Doorashooyinka xubnahii u danbeeyay ee Aqalka  sare ee Jubaland ku dhimanaa, isagoo hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya la guda gali doono Doorashooyinka golaha shacabka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xubnahan ku booriyay inay sii laba jibaaran shaqooyinka horyaala taas oo qeyb ka ah dadaalada dalka loogu jihayno Doorashooyinka oo hada muhiim u ah dalkeena.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa khamiistii lasoo dhaafay lagu dhameystiray xubnahii ka harsanaa kuraasta doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii afaraad ee dhameystiray doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana doorashada ku harsan oo kaliya Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoorqoor.

Madaxweynaha Jubbaland oo hal Arrin kala hadlay Guddiyada Doorashooyinka
To Top