WARARKA SOOMAALI

Faah faahin:-Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo burcad ah ayaa waxaa ay Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal la hadlay Horufadhi Media ayaa u sheegay in Israsaaseynta dhexmartay Ciidanka Booliska iyo Burcadda hubeysan uu ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo caan ka ahaa Suuqa Bakaaraha.

Ganacsadaha ku dhintay rasaasta ay is weedaarsanayeen labada dhinac ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow oo ku magac dheeraa Sandheere, kaasoo si weyn looga garanaayay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Marxuum Cabdulle Cawaale Fiidoow ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaasta ay ia dhaafsandeen Ciidamada dowlada iyo burcada hubeysneyd ee is rasaaseynta ku dhexmartay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay Israsaaseyn geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhexmartay Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska iyo burcad hubeysan.

Faah faahin:-Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay
To Top