WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Axmed Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska oo ka shiray Doorashooyinka dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta  aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster iyo ergayga gaarka ah ee arimaha abaaraha iyo gargaarka u qaabilsan Dowlada Ingiriiska Nick Dyer.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Jubbaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda.

Waxaa kulanka ka Madaxweynaha ku wehelinayay qaar kamid ah golaha wasiirada oo uu kamid yahay  Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka  Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Axmed Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska oo ka shiray Doorashooyinka dalka
To Top