WARARKA SOOMAALI

Kulan gaar ah oo laga yeeshay la-dagaalanka maandooriyaha kusoo batay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha dhallinyarada degmooyinka.

Kulankan ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa wacyigalinta la-dagaalanka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo xiligaan si xoogan uga socday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankani ayaa inta uu socday waxa uu Guddoomiyaha warbixina kala duwan ka dhageystay dhallinyaradii kulanka ka qeyb gashay, kuwaas oo tilmaamay sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada doorkooda ku aadan la-dagaalanka Muqaadaraadka iyo horumarinta dhalinyarada magalada muqdisho

Guddoomiye Cumar Filish ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Muqdisho iney meel ugu soo wada jeestaan cirib tirka Maandooriyaha oo ah caqabad hor taagan horumarka dhallinyarada iyo Xasiloonida Caasimadda.

Kulan gaar ah oo laga yeeshay la-dagaalanka maandooriyaha kusoo batay Muqdisho
To Top