WARARKA SOOMAALI

Madaxda DF iyo M/Goboleedyada oo dood adeg dhexmartay iyo Shirka oo galay…

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah u furmay.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa iyo sida lagu xalin karo caqabadaha ku hor gudban oo muddooyinkii lasoo dhaafay soo jiitamayey.

Madaxda ayaa shirkooda fiidkii xalay soo bilowday ayaa soo gaaray illaa saq dhexe, iyadoo si adag looga dooday saddexdii qodob ee la isku hayay, inkastoo aanay doodduhu weli dhinac u dhicin, haddana waxay u muuqdaan in dhinacyadi diyaar u yihiin in dooduhu sii socdaan, si xal loo gaaro.

Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa shir shir gaar ah ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Saddexda Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, kadib markii Shirweynaa ay nasiino uga baxeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Dhinacyada ayaa ka shiray saddexdii qodob ee la isku hayay, waxaana saakay la filayaa in mar kale Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay dhexmarto dood adeg ah oo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka.

SOMALI NEWS

To Top