featured2

Madaxda dalalka ugu awoodda badan caalamka oo heshiis ka gaaray arrin dhibaato ku haysay adduunka

Hoggaamieyaasha 20-ka dal ee ugu dhaqaalaha roon caalamka ayaa isku raacay heshiis caalami ah oo dhigaya in canshuurta laga qaado faa’idooyinka ay sameeyaan shirkadaha waaweyni laga dhigo ugu yaraan 15%.

Tallabadan ayaa imaanaysa ayadoo uu jiro walaac laga qabo in shirkadaha dalalka kala duwan ka hawlgala ay hantidooda u weeciyaan waddamada ay canshuurtoodu aadka u hoosayso.

Heshiiska waxaa isku raacay dhammaan madaxdii ka qeybgashay shirka G20 ee lagu qabtay magaalada Roma.

Isbeddelka cimilada iyo Covid ayaa sidoo kale ku jira ajendaha shirwaynaha, oo marki ugu horreeysay ay hoggaamiyeyaashu fool ka fool isugu yimaadaan tan iyo markii uu uu dillaacay xanuunka safmarka ah ee fayraska korona.

Ururka G20 – oo ka kooban 19 waddan iyo Midowga Yurub – waxaa ka maqan oo aan si toos ah usoo xaadirin hogaamiyaasha Shiinaha iyo Ruushaka waa Xi Jinping iyo Vladimir Putin, waxa ayna doorbideen inay qaab maqal iyo muuqaal ah uga qeyb- qaataan.

Heshiiska canshuurta, oo uu soo jeediyay Mareykanka, ayaa la filayaa in si rasmi ah loo ansixiyo maalinta Axadda ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana la dhaqangelin doonaa sanadka 2023-ka.

Xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Janet Yellen ayaa sheegtay in heshiiska taariikhiga ah uu ahaa “mid aad muhiim ugu ah” dhaqaalaha caalamka “uuna soo afjari doono tartanka dhaawaca badan u geystay shirkadaha caalamiga ah”.

Waxay barteeda Twitter-ka ku soo qortay in ganacsiyada iyo shaqaalaha Mareykanka ay ka faa’iideysan doonaan heshiiska inkastoo shirkado badan oo waaweyn oo fadhigoodu yahay Mareykanka ay tahay inay bixiyaan canshuur dheeraad ah.

Madaxda dalalka ugu awoodda badan caalamka oo heshiis ka gaaray arrin dhibaato ku haysay adduunka
To Top