SOMALI NEWS

Golaha Wasiirada oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn

Waxaa la filayaa in maanta la magacaaabo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, xili ay jiraan warar kaal duwan oo ku aaddan arrintaasi magacaabistta.

Waxaa lasoo hormariyay kulankii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada,iyadoo sid ala sheegay xalay farriimo wargalin ah loo diray Golaha Wasiirada, kuwaasi oo lagu wargaliyay inuu manta jiro kulan aan caadia ahayn.

Wararka ayaa sheegay in kulanka manta loo madalsan yahay ee Golaha Wasiirada in lagu soo Magacaabi doono Taliyaja Cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa jira Shaqsiyaad dhowr ah kuwaasi oo la sheegay in ay macquul tahay in loo Magacaabo Xilka, waxaana ka mid ah mas’uuliyin hadda xilal ka haya Dowaldda iyo sidoo kale shaqsiyaad akle oo dhanka maamul Goboleedyada xilal ka haya,kuwaasi oo loo badaniyao in saacadaha soo aaddan mid kood loo magacabo xilka.

Dhawaan ayay hayd markii heshiis ay gaaren Madaxweyne Framaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii ay isku fahmeen sida la sheegay qaabka magacaabista taliyaha cusub, waxaana meesha laga saaray shaqsiyaadkii ay horay u kaal magacaabeen ee khilaafku ka dhashay.

Golaha Wasiirada oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn
To Top