Muqdisho (HM)-Qoraal ay soo saareen xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu eedeeyay dowlada federalka inay ku fashilantay qabashada doorashada qof iyo cod ah,iyagoo ku baaqay shirweyne deg-deg ah, Sida HM ay ku aragtay nuqul qoraalka kamid ah oo ay heshay goordhow.
Mucaaradka Soomaaliya ee isku magaacabay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hormuud u yihiin laba Madaxweyne oo dalkan soo maray ayaa War Saxaafadeedkoodauga hadlay qoddobo ay dhowaan hordhigeen baarlamaanka federalka siiba guddiga baarlamaanka federalka u qaabilsan arrimaha doorashooyinka,waxaana loogu baaqay Golaha Shacabka inuusan ansixin dhammaan qodobada ay guddigan u soo gudbiyeen.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran.

@Horufadhi News
