WARARKA SOOMAALI

Maamulka Soomaliland oo masaafuriyey ugaadhsato Imaaraadka u dhalatay kadib ganaax lacageed-Akhriso

Hargeysa (HM)-Somaliland ayaa waxay musaafurisay sagaalkii Ugadhasato ee u dhalatay Imaaraadka, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Musaafurintooda ayaa ka dambeysay markii ay bixiyaan lacago ganaax ah ayna dhameysteen maalmo ay xabsi ku qaateen.

Sidda ay wararku tibaaxayaan, sagaalka Ugaadhsato ayaa waxay bixiyeen tobban kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa waxaa looga qaadey in ay jibiyaan sharciga Duurjoogto ee maamulka Hargeysa ayna ku lug-yeesheen Ugaarsi sharci darro ah.

Sawirro ay warbaahinta heshay ayaa muujiyey shaqsiyaadkan qaar kamid ah oo u gaarsanaya xayawaanka lagu magacaabo Deer.

Bishaan November 6-deeda 2019 ayay ahayd markii laamaha ammaanka ay sagaalkan ruux ka xireen garoonka diyaaradaha Hargeysa xili ay dhoof rabeen.

Mas’uuliyiinta Duurjoogtada Somaliland oo xaqiijiyey in raggan oo waddankoodii hooyo lagu celiyay ayaa tibaaxay in xogtooda ay u soo gudbiyeen shacabka.

Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya balse aan helin aqoonsi caalami ah ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan Ugaarsiga sharci darada ah.

SOMALI NEWS

To Top