WARARKA SOOMAALI

Maamulka Soomaliland oo ganefka ku dhuftay heshiiskii doorasho ee Muqdisho lagu gaadhay-Akhriso

Hargeysa (HM)-Somaliland ayaa shaacisay inaysan qeyb ka ahayn, islamarkaana waxba ka khuseynin heshiiskii doorashadda ee 17-kii bishan Muqdishi ku saxiixdeen Dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo Maamullada dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland ayaa caddeysay in heshiiska lagu gaadhay Muqdisho uu yahay “riyo iyo marin-habaabin”, waxaana looga baaqay shacabka maamulkaasi inay ka feejignaadaan “hagardaamooyinka” laga maleegayo Xamar sida ku xusin war-saxaafadeedka oo HM heshay.

Waxay sheegtay Somaliland inay tahay dowlad “madax-banaan”, oo aan wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka oo ay tilmaantay inuu dejiyay maamulka taagdaran oo ka jira Soomaaliya.

Akhriso.

SOMALI NEWS

To Top