WARARKA SOOMAALI

Maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay Tirada Cod bixiye yaasha Kaadhka qaatay ee Sanadkan Doorashada ka qayb galaya

)  Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah u shaaciyey tirada dadka isu diiwaan geliyey in ay ka qayb-qaataan doorashada Madaxweynaha ee dhacaysa bisha Nofeembar.

Guddiga doorashada oo warbaahinta kula hadley xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa ayaa tirada codbixiyaasha ka qaybgali kara doorashada Madaxweynaha ay tahay 704,089 qof oo keliya oo ka codeynaya gobolada Somaliland badankood. Tiradan ayaa xoogaa ka badan kuwii ka qayb-qaatey doorashadii hore ee dhacdey 2010 taas oo gaareysey 538 000 oo qof, sidoo kale tiradan waxay ka yartahay tii markii hore guddiga diiwaan gelintu sheegeen oo kor u dhaafeysey 800 000 oo qof.

Doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 13 Nofeembar 2017, Madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Siilaanyo ayaan tartanka ka qayb-galeyn, waxaana la filayaa in Muuse Biixi oo horey Jamhad u ahaan jirey iyo sarkaal ka tirsanaa ciidankii Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cirro oo ahaan jirey afhayeenkii Baarlamaanka Somaliland iyo Diblomaasi Dowladdii Soomaaliya in midkood loo doorto Madaxweynaha Somaliland

 

SOMALI NEWS

To Top