WARARKA SOOMAALI

Maamulka Somaliland oo beeniyey in aysan jirin wax Ciidamo ah oo uga goostay dhanka Maamulka Puntland-Akhriso

Taliska Guud ee Ciidanka  Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray.

Qoraal xalay ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka  Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Horufadhi News ayaa u dhignaa sidan:

“Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray.

Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Qaranka, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Qaranka Somaliland ah oo meel kale tegay.

Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL.”

Qoraalkan ka soo baxay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka maamulka Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar warbaahinta qaarkood ku sheegayeen in Ciidanka ka tirsan Somaliland u goosteen Puntland.

Hasa yeeshe Puntland ayaa iyana waxaa ay maalintii doraad warbaahinta usoo Bandhigtay Ciidamo tiro badan oo ay ku sheegtay in ay ka soo goosteen isla markaana isaga soo carareen Maamulka Somaliland.

Xiisadda iyo daan daansiga labadda Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa marba marka ka dambaysa waxaa uu isku sii shareerayaa hawadda isaga oo dhanba dhanka kale  kula xifaaltamayo hadba ciidan kasoo Baxa dhan isla markaana soo gaadha dhinaca kale ,Horaantii Bishii hore ayey ahayd markii Sarkaal ka tirsan Puntland uu u baxsaday isaga oo wata qori saaran Baabuurta Gaashaaman isla markaana uu gaadhay Hargeysa halkaas oo lagu abaal mariyey.iyadoo Puntland-na Toogasho markii dambe ku xukuntay isaga oo maqan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top