WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo shaaciyay in Jid-gooyo loo dhigtay Doorashadii qof iyo Cod & sababta

Maamulka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in degaanka Karin-dhiig ee Gobolka Nugaal jid-gooyo loo dhigtay doorashadii qof iyo codka.

Wasiir Juxa ayaa waxaa uu falkaan jid-gooyada ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, isla markaana maleeshiyaad hubaysan oo ka amar qaata Xasan Shire ay dhibaatada wadaan.

Hadalka wasiir Cabdi Faarax Juxa ayaa ku soo beegmay xilli maanta la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Magaalada Garoowe ee aqabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca Gobolka Bari.

Maamulka Puntland oo shaaciyay in Jid-gooyo loo dhigtay Doorashadii qof iyo Cod & sababta
To Top