WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo xariyaad culus kusoo rogtay Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Dagaalanayaasha Al-shabaab ayaa xayiraad cusub kusoo rogtay shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ah Shirkadda tan ugu weyn Shirkadda Isgaarsiinta.

Al-shabaab ayaa si gaar ah u joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, sida ay Idaacadda VOA-da u sheegeeno Ilo-wareedyo.

Afhayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan  sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan.

Afhayeen Caanood oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas kusii daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay markiiba deegaanada Al-shabaab laga saaro ay adeegyadaas muhiimka dib ugu soo celiso.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay  in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas.

Al-shabaab oo xariyaad culus kusoo rogtay Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud
To Top