WARARKA SOOMAALI

Maamulka Hirshabeelle oo durba bilaabay Mucaaradadii Maamulada lagu yaqaanay iyo Go,aan Dowladda ka soo baxay oo ay kasoo hor jeesteen…

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku tilmaantay sharci darro go’aan ay soo saareen Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dowlada federalka iyo hay’ada duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Go’aankaas ayaa lagu joojiyay dayuurad Qaad geyn jirtay maalin kasta magaalada Jowhar, waxaana duulimaadkaas loo soo weeciyey magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Hirshabelle Sabriye Cismaan Toxobow ayaa sheegay in Wareegtada ka soo baxday wasaarada Ganacsiga dowlada Federalka ay tahay mid aan sal lahayn oo sharciga hareer-marsan.

Qoraalka ka soo baxay wasaarada ganacsiga Hirshabelle ayaa lagu sheegay in maamul goboleedka Hirshabelle uu u madax banaan yahay ganacsiga qaadka isla markaana ay wax lala yaabo tahay in wasaarada ganacsiga dowlada federalka ay isku dhex qasto dowlad goboleedka Hirshabelle iyo Muqdisho.

Qoraal uu ku saxiixnaa Maareeyaha Guud ee hay’ada duulista rayidka iyo saadaasha hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa loogu digey diyaaradaha qaadka geeya magaalada Jowhar inay mudan karaan ganaax iyo in lagala noqdo fasaxa ay ku yimaadaan Somalia.

 

SOMALI NEWS

To Top