WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay Qeylo-dhaanta Bajaajleyda Muqdisho

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay cabasho muujinayay darawalada bajaajleyda kuwaasoo sheegay in jidadka loo taagan yahay, isla markaana laga rabo lacag lagu sheegay bad qabka gaadiidka.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir oo arintaasi ka jawaabayay ayaa xabsiga dhigay kooxihii lacagta baada rabay inay ka qaataan bajaajleyda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saxaafada u sheegay goor dhaw in maamulka Gobolka Banaadir uusan waxba kala socon lacagta lagu sheegay badqabka gaadiidka ee ay ka cabanayaan bajaajleyda.

“Maamulka oo cabashada ka jawaabayay ayaa soo qabtay, xabsigana u taxaabay kooxo u sameystay shirkado sidii ay lacaga baada uga qaadan lahaayeen bajaajleyda, dhawaana sharciga ayaa la soo hor istaajin doonaa insha Allaah”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir. Afhayenka.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaalle uu uga mahadceliyay bajajleyda sida ay mar kasta ugu hogaansamaan awaamiirta maamulka Gobolka una bixiyaan lacagaha sharciga ah ee laga rabo.

“lagama qaadio karo bajaajleyda lacag aan ahayn mida sharciga ah ee ku waajibtay ,qofkii lacag laga qaatayna wuxuu heli doonaa cadaalad”ayuu yiri Duqa Muqdisho

Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay Qeylo-dhaanta Bajaajleyda Muqdisho
To Top