SOMALI NEWS

Maamulihii Iskuulka Dayniile oo goordhaweyd Qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay mid ka mid ah Maamula yaasha iskuulaadka ku yaalla.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, oo sida la sheegay lala beegsaday Maamulihii iskuulka degmada Deeyniile Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle), isla goobta ayuuna ku geeriyooday Marxuumku.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxu uu ka dhacay laamiga Xaafada Bangala ee degmada deeyniile, waxaana loogu xiray gaari nooca raaxada ah ee uu watay.

Qaraxa kadib waxaa gaaray goobta Ciidamada ammaanka kuwaasi oo howlgallo sameeyay, inkastoo aysan sheegin cid ay u soo qabteen Qaraxa lagu dilay Marxuumka, sidoo kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Gobolka Banaadir oo ay kaga hadlayaan Qaraxa lagu dilay Maamulihii iskuulka degmada Deeyniile Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle).

Maamulihii Iskuulka Dayniile oo goordhaweyd Qarax lagu dilay
To Top