WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamul Goboleed oo hanjabaad culus u diray Rag abaabul wada

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Cismaan Cali Hudey ayaa ka hadlay abaabul rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ay ka wadaan gudaha degmadaas.

Taliye Cismaan Hudey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga ay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxo uu sheegay in ay wadaan duulaan ka dhan ah laamaha amniga Guriceel.

Taliyaha Booliska ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ee wada abuubulka ay doonayaan inay qabsadaan degmada Guriceel, hayeeshee marnaba aysan aqali doonin arrintaas, isla markaana ay ka hortegi doonaan maleeshiyaadka is abaabulayo.

Isaga oo hadlaayay Taliye Cismaan Cali Hudey ayaa waxaa uu yiri “Qof kasta oo ku fakaraya in uu amaanka carqaladeeyo ha ogaado in aan gacan bir ah ugu jawaabeyno oo uusan guul kala hoyaadi doonin isku day kasta.”

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top