WARARKA SOOMAALI

Laascaanood dad la sheegay in loo qabtay dil xalay dhacay-Akhriso

Laascaanood ( HM ) Ciidamada ammaanka Magaalada Laascaanood ayaa sameeyay baadhis ay ku qabteen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dil xalay fiidkii loo geystay sarkaal katirsan maxkamadda degmadaas.

Hay’adaha ammaanka ayaa baaraya shaqsiyaadka ay usoo qabteen dilka loo geystay garsooraha maxkamadeed ee ka shaqeynayay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .

Garsooraha la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Salaad (Wadaad yare), waxaana la dilay xili uu kusii socday hoygiisa sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo mas’uuliyiinta ammaanka Degmada oo war hordhac ah ka soosaaray.

Magaalada Laascaanood waxaa ku kordhay beegsiga xubnaah garsoorka, 2-dii Maarso 2020 waxaa qarax loo adeegsaday miinada nuuca dhajiska ah lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada ammaanka ayaa inta badan howlgalo sameeya marka dilalka iyo qaraxyada ay dhacaan, waxa ay xiraan shaqsiyaad ay ku tuhmayaan, inkasta oo aysan soo bandhigin natiijada kasoo baxda baaristooda.

Inta badan waxaa la aaminsan yahay inay Baxsadaan dadka dilka Fuliya, waxaana Laascaanood ay  tahay magaalada ay ciidamada ugu badan ka joogaan , Hadana ilaa hada lama oga dilalka Qorshaysan eek a dhaca iyo dadka fuliya.

SOMALI NEWS

To Top