WARARKA SOOMAALI

Kulan qarsoodi ah oo dhexmaray Xubno Soomaaliland ah iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur-Sawiro

Muqdisho (HM)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kalena ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa uu kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta uu Siyaasiga la kulmay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee UCID Eng Feysal Cali Waraabe.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in kulanka looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Eng Feysal Cali Waraabe ayaa labaduba waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in Soomaaliland ay diyaar u tahay wadahadalka,hayeeshee dhanka Soomaaliya ay wax ka socon la’yihiin.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaanan wax wadahadal ah uusan dhexmarin Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxaana fashilmay wadahadallo la doonayay inay labada dhinac yeeshaan.

SOMALI NEWS

To Top