Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xakameynta iyo ka hor tagga soo labo kacleynta Cudurka COVID-19 ee dalka, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur.
Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustay in tirada kiisaska xanuunka ay sii kordhayaan, isla markaana ay muuqato soo labo kacleyntii labaad ee cudurka.
“Koowdii illaa 11-ka Febraayo ku dhawaad labo usbuuc tirada kiisaska aad ayey u korartay, dad badan ayaana isbitaal De Martini la geeyay,” ayay tiri wasiir Fowsiya.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii wacyigelinta xanuunka loo kordhin lahaa, waxaana la isla gartay in la soo celiyo xirada af-xirka ama Face-mask, iyadoo la kala fogaado isla markaana dadka waa weyn si gaar ah loo ilaaliyo, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
Sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka todobaadyadii u dambeeyay waxaa kordhay tirada kiisaska cudurka corona, iyadoo dhimasho badan la soo wariyay, sidoo kale waxaa jira bukaano badan oo la geeyay isbitaal De martini ee magaalada Muqdisho.