WARARKA SOOMAALI

Kulan la yeeshay shaqaaqo ka dhacday xuduudka Soomaaliya

Waxaa degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo lulan ku yeeshay, Saraakiisha , Saraakiil xigeenada Ciidamada Gobolka Gedo Maamulka Degmada Baladxaawo, kaas looga hadlayay Amniga xaduudaha iyo Shaqaaqadii ka dhacday duleedka degmada Beled-Xaawa.

Shaqaaqada ayaa waxaa ay u dhaxeeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geeysay Gobolka Gedo iyo kuwa Kenya kadib markii  Ciidamada Kenya ay dileen Nin Shacab ahaa oo ka baxay degmada Bed-Xaawo kuna wajahnaa Magaalada Mandheera.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo Cabduraxmaan Cabdulahi Aadan Bakaal Kooke  Taliyaha qeybta Ciidanka Asluubta Gobolka Gaashanle dhexe Cali Maxamed Cumar, Taliyaha ururka 27aad ee Guutada 10aad ahna ku simaha Taliyaha Guutada10aad Gashanle Xuseen Maxamed Cali Xidig, waxaa looga hadlay  sare u qaadida iyo adkaynta amniga yareynta shaqaqooyinka xaduudaha ay ka dhacaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Saraaki hoosyada degmada Beled-Xaawo ayaa kulanka waxaa looga dhageystay xaaladda amniga ee degmad Beled-Xaawo iyo degaannada hoosta ee xiga dhanka xaduudka ee Magaalada Mandheera.

Saraakiisha Sar sare ayaa ku amray Ciidamada inay adkeeyaan amniga degmada Beled-Xaawo iyo Xaduudaheeda, isla markaana aysan aqbalin in Shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo inta u dhaxeeyaa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

SOMALI NEWS

To Top