WARARKA SOOMAALI

Kulan Deg-deg ah oo laga yeeshay Amniga Xarardheere & MW Qoorqoor oo…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa shir guddoomiyay kulanka looga hadlayay adkeynta amniga degmada Xarardheere iyo xoraynta Deegaanada kale ee Al-shabaab ka joogaa Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xog waraystay Saraakiisha Amniga degmada Xarardheer ee Gobolka Mudug iyo qorshayaasha ka socda ee ku aaddan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee kasii socda deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dalbaday inay dardar-geliyaan howlgalada Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanayay ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen degmooyinka Xarardheere, Galcad iyo Ceeldheer oo sanno badan ay ku sugnaayeen  Shabaabka.

Kulan Deg-deg ah oo laga yeeshay Amniga Xarardheere & MW Qoorqoor oo…
To Top