WARARKA SOOMAALI

Muqdisho: Darawal Mooto oo Maanta lagu hordilay hooyadiisa & walaashiis

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta darawal Mooto Bajaaj ku dilay bartamaha isgoyska howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, waxaana goobta ka baxsaday Askriga falkaas geystay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga uu si bareer ah rasaas ugu furay darawalka Mooto Bjaaj oo ahaa wiil dhallinyaro ah, waxaana meydkiisa uu dhowr iyo toban daqiiqo uu dhex saarnaa mootada lagu dhex dilay.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle, isagoo kamid ahaa darawalada ku shaqeysata mooto Bajaajta, falka kadib ayaa waxaa bilowday banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah darawalada Bajaajta iyo dad kale oo dilkaasi ka careysan.

Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa waxaa ay xirteen wadada laamiga bartamaha howlwadaag ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa ay ku gubayaan taayaro waaweyn, iyagoona sidoo kale dhagxaan ku tuuraya Askarta ka tirsan Ciidanka Booliska.

Muqdisho: Darawal Mooto oo Maanta lagu hordilay hooyadiisa & walaashiis
To Top