Muqdisho (HM)-Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaala magaaladda Bu’aalle ee gobolka Jubada Dhexe waxay ku toogatay lix rag ah oo ay ku eedeysay jaajuusnimo.
Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa baahisay in shaqsiyaadkaas lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen sirdoonka “dowlado shisheeye”.
Wadamada la wariyey in ay u basaasayeen ragga la toogtay ayaa kala ah; Kenya iyo Mareykanka, si lamid ah waxaa la tilmaamay in ay wadashaqeyn kala dhaxeysa Xukuumadda Soomaaliya.
Caadiyan, kooxda marka ay fulineyso xukunada noocaan ah waxay isugu yeertaa ama ay u ogolaataa shacabka si ay u daawadaan.
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo kasoo baxay saddexda dowladood.
Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay kordhiyeen gulufka balaaran ee ka dhanka ah ururka.
Gobolka Jubada Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka Jubaland ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka badan ku leedahay kooxda isla markaana ay si weyn uga dhaqan-galaan amarada ay soo saarto.