WARARKA SOOMAALI

Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada Doorashada kuraasta taalla ee Baraawe

Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas ee Shabeellaha Hoose.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay Liiska 13-ka kursi ee doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee horey loogu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shaacin doonaan Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada wax dooraneysa, ayna soo saari doonaan Jadwalka doorashada 13-ka kursi.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya Maamulkii u horreeyay ee shaaciya kuraasta taalla deegaan doorashada labaad oo ka mid ah 10 magaalo ee doorashada ka dhaceyso shanta dowlad Goboleed ee dalka ka jira.

Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada Doorashada kuraasta taalla ee Baraawe
To Top