WARARKA SOOMAALI

Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame, Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre iyo Xoghayaha Guddiga Marwo Fardowsa Mataan Buulle ayaa kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka iyo doorka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ku lee yihiin daah-furnaanta doorashada, maadaama ay jiraan kuraas dacwad laga gudbiyay oo ay guddiga hakiyeen in lagu dhawaaqo natiijadooda.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster ayaa muujisay sida ay usoo dhawaynayso dadaalada Guddiga ee ku aadan ka garnaqida cabashooyinka doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame ayaa Safiirka Warbixin ka siiyay halka ay marayaan doorashooyinka iyo sidii ay ugu diyaarsan yihiin wax ka qabashada doorashooyinka.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay Doorashada
To Top