WARARKA SOOMAALI

Maamulka Khaatumo oo ka baxay Heshiiskii Somaliland, Kadib Geeridii Dr. Cali Khaliif-Video

Buuhoodle ( HM)-Waxaa maanta Shir isugu yimid magaalada Buuhoodle Qaar kamid ah Labada Golle ee Maamulkii Khaatumo,Waxayna ku dhowaaqeen inay ka baxeen Wahadalkii ay horay ula fureen Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu dhowaan Geeriyooday Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh iyadoo aan Weli la fulin Heshiiskii uu la galay Somaliland, Sanadii 2017 , Gaar ahaan Xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha Baaralaanka Khaatumo Maxamuud Sheikh cumar oo horay uga mid ahaa dadkii Goobjooga ka ahaa Heshiiskaasi, ayaa Go’aanada maanta Warbaahinta u Akhriyey.

“Wadahadalkii Maamulada Khaatumo iyo Somaliland, laga bilaabo maanta waanu hakinay, Cid nagu metasha ma jirto“.

Bulshada Khaatumo waxaanu ugu baaqaynaa inay isugu yimaadaan shir looga hadlayo Aayaheeda”.

Waxaanu u joojinay Wadahadalkii Somaliland inaanu dib uga tashano, Mid maamul, Mid Goleyaasha Khaatumo ah iyo Siyaasiyiintaba “. Ayuu yidhi Maxamuud Sheikh Cumar.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top