WARARKA SOOMAALI

Kenya oo qaaday Tallaabooyin ay ku dhabar jabinayso Dowladda Soomaaliya-Akhriso

Kismaayo ( HM ) Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ah gobolka Gedo ay tahay tallaabo cadaadis lagu saarayo dowladda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Daily Nation.

Inkasta oo ciidamada Kenya ay ku andacoodeen in bixitaankan uu yahay xeelad, maadaama ay ku adkaatay in goobo badan oo kala fog sahay lagu gaarsiiyo ciidamada, haddana khubaro ayaa sheegay in tani aysan ka marneyn muranka diblomaasiyeed ee labada dal ee salka ku haya xiisadda badda.

“Ayada oo Kenya ay ciidamadeeda kala baxeyso saldhigyo muhiim ah, Al-Shabaab ayaa saldhigyadaas buuxinaysa, taasina waxy aad uga careysiinaysaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri John Kariuki oo darsa siyaasadda gobolka.

“Waa tallaabo ay Kenya uga aargudaneyso dowladda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday in kiiska badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ay ka laabto, islamarkaana wada-hadal diblomaasiyeed ay la gasho Kenya.

Dhammaan saldhigyadii ay ciidamada Kenya ka baxeen ayaa waxaa hadda qabsaday Al-Shabaab, oo sii ballaarinaysa dhulka ay haystaan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda kenya, oo wargeyska Daily Nation uu arrintan wax ka weydiiyey waa ay diiday inay ka hadasho sababta ay ciidankeeda uga saareyso goobo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Gedo.

 

SOMALI NEWS

To Top