WARARKA SOOMAALI

Kenya oo ka cabsi qabta in Soomaaliya ku adkaato kiiska Badda-Video+Warbixin

Muqdisho (HM)-Kenya ayaa ka baqaneysa in Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay kiiska badda u xukmiso dhanka Soomaaliya si taas u baajiso ayayna ku saleysan yihiin dalabyadeeda dib u dhigida, sidda uu shaaciyey mas’uul sare.

Faarax Macalin, gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya oo wareysi siiyey telefishinka maxaliga ah ee Kalsan, ayaa daaha ka rogay in dooda xukuumadda Nairobi ay daaran tahay “Ku qabso ku qaddi meysidee”.

“Ma rabo in aan [qadiyaddan] aad ugu dheeraado. Annaga hadaan nahay Kenya waxaan kamid ahaa dadkii lahaa hadii aan badda leenahay maxkamad aan geyno doodeena [halkaas] aan kaga adkaano Soomaaliya,” ayuu yidhi masuulkan xilalka sare kasoo qabtay Dowladda Kenya.

Siyaasiga ayaa ku daray: “Laakiin waxaa moodaa in ay jirto cabsi ah hadii maxkamadaas ay gasho dacwadaas in ay Soomaaliya yeelan doonto baddaas. Aniga qareen baan ahay, sharciga baddana waan akhristay cabsidaasna cabsi jirta waaye”.

“Markaa in laga soo celiyo maxkamadaas oo si hoose looga heshiiyo ayaan annaga [dadka Kenya] rabnaa, markaan Kenyaan nahay baan ka hadlayaa, cabsi baan ka qabnaa hadii meeshaas [maxkamada] la geeyo [dacwada] in aan wayno sidaan rabnay,” ayuu raaciyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidda laga soo xigtay Faarax oo taageero weyn u ah maamulka waqtiga kasii dhacayo ee uu majaraha u hayo Farmaajo, dowladda Kenya ayaa miiska soo saartay laba codsi oo midkoodna uusan dan ugu jirin Soomaaliya.

Dalabyadaas ayaa kala ah in dacwada laga soo celiyo maxkamadda, miiska wadahadalkana lagu dhameeyo ama in go’aanka kadib ay wada-xaajoodyo la furto Muqdisho kaasoo ujeedkiisu yahay in laga heshiiyo wadaaga kheyraadka.

Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqdey in ay kasoo horjeedo labadaan dalab kuna adkeysaneyso in dacwadda ay go’aamiso xeer-beegtada Qaramada Midoobay.

ICJ, sidda jadwalka ku cad, ayaa lagu wadaa in dhageysiga kiiskaan ay dib u bilowdo Maaj, 2021; dooda Soomaaliya waxaa loo muddeeyay 15-18 bishaas, halka gar-maqalka Nairobi ay soo gudbin doonto 17 illaa 19 isla bishaas.

Bisha soo aadan October, 2020 ayaa qorshuhu ahaa in dhageysiga dib loo bilaabo, hase ahaatee, waxaa loo baajiyey sabab la xiriirta Covid-19, wallow wararku xusayaan in Kenya ay codsigaas u soo gudbisay “si waqtiga ay u lumiso”.

Gal-dacwadeedkan soo bilowday 2014-kii xilligaas oo Soomaaliya ay gudbisay isla markaana goobta la isku hayo oo ku taala xadka bada laba dhinac goobtaasoo hodan ku ah kheyraad ayaa go’aamin karta doorashooyinka labada waddan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top