WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo Go’aamo adeg kasoo saartay Amniga Deegaanadeeda, xili la galayo..

Madaxwaye ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir-guddoomiyey shirka billaha ah ee golaha amniga Jubbaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland, iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu hayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Golaha Amniga Jubbaland ayaa intii shirku socday waxay bogaadiyeen howlgalada nabadgelyada lagu xaqiijinayo ay wadaan laamaha amniga, waxayna Go’aamiyeen in la xoojiyo howlgalada, si looga hortego falalka amni darro ah ee xiliyada qaarkood dhaca.

Sicir bararka oo dhibaato ba’an ku haya qaybaha bulshada ayey sidoo kale goluhu ka doodeen, waxaana la go’aamiyey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto sicirka hoosna loo dhigo qiimaha macayshadda kala duwan oo hadda aad u sarreeya.

Markii uu soo idlaaday shirka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane, wuxuuna ka warbixiyay muhiimadda shirka oo lagu soo koobay qodobada hoose.

  1. In la joogteeyo shirarka amniga si xogta amnigu u noqoto mid xilligeeda la helo loona bedelo ficil.
  2. In si deg deg ah wax looga qabto sicir bararka baahsan ee hadda jira, guddina loo saaro sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha macayshadda ee kor u kacay.
  3. In wasaaradda Arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalku ay qabato shirar lagu xallinayo khilaafaadka bulshada kala gaaray ee ka dhashay loolanka doorashada.
  4. In laamaha amnigu ay Wasaaradda Caddaaladda garab ka siiyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo anshax xumada ka dhacda xeebaha loo dalxiis tago ee magaalada Kismaayo.
Jubbaland oo Go’aamo adeg kasoo saartay Amniga Deegaanadeeda, xili la galayo..
To Top