WARARKA SOOMAALI

Dagaalka ka socda Ukraine oo sababay khasaaro xooggan iyo Barakac ballaaran

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaaraya 6.5 milyan ay ku barakaceen dagaalka uu Ruushka ka wado gudaha  Ukraine.

Dagaalka oo galay Maalintii afar iyo labaatanaad oo xariir ayaa dhaliyay khasaara kala duwan,  inkastoo maamulka Kyiv  ay shegeen in 222 qof lagu dilay gudaha  caasimadda tan iyo markii uu billowday Dagaalka  military ee uu  Ruushka ku qaaday Ukraine.

Dhanka kale Sargaal sere oo u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay  in muddadii uu dagaalka ka socday gudaha Ukraine, lagu dilay ugu yaraan 816 qof oo rayid.

Ciidamada  Ruushka ayaa duqeeymo kala duwan ka geeystay intuu dagaalka socday magaalada caasimadda ah ee Kyiv, Kharkiv iyo Kramatorsk, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo burbur hanti, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Dagaalka ka socda Ukraine oo sababay khasaaro xooggan iyo Barakac ballaaran
To Top