WARARKA SOOMAALI

Iska horimaad khasaaro dhaliyey oo dhexmaray Somaliland iyo Puntland

Wararka aan ka heleyno degaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland, kadib iska horimaad khasaaro dhaliyey uu dhexmaray labada dhinac..

Iska horimaadka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Askari, waxaana taagan xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Dadka deegaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn ayaa kusoo warramay inay dareemayaan cabsi dagaal, isla markaana waxaa ay sheegeen in dhinacyada ay wadaan abaabul dagaal.

Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyagoona sidoo kale iska kala qabsaday gaadiid dagaal iyo hub.

Iska horimaad khasaaro dhaliyey oo dhexmaray Somaliland iyo Puntland
To Top