WARARKA SOOMAALI

Dagaalame ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku laayay Askar Kenyaati ah

Dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab ayaa gudaha u galay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin degaan ka tirsan Gobolka Jubbaland, waxaana gudaha Saldhiga ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday Askarta Keynyatiga.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ninka Al-shabaabka ahaa oo hubeysan uu rasaas xooggan ku furay Askar ku sugneyd Saldhiga, isla markaana waxaa weerarka ku dhinay saddex Askari, halka dhowr Askari kalena ay ku dhaawacmeen.

Sarkaalka u hadlay Kenya ayaa sheegay in Shabaab ay marar badan isku dayeen inay weerarkaan oo kale kusoo qaadan Saldhiga, isagoona Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugan halkaas ka dalbaday inay taxaddar badan muujinaa oo feejignaadan.

Illaa iyo hadda ma cadda sida hal nin oo hubeysan oo Al-Shabaab ah ay ugu suurta-gashay inuu galo xero ciidan, islamarkaana ku dilo askar Kenyan ah.

Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay Al-Shabaab ku qaadaan Kenyanka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin.

Dagaalame ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku laayay Askar Kenyaati ah
To Top