WARARKA SOOMAALI

Imaaraadka Carabta oo xayiraad cusub oo socdaal kusoo rogay Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xayiraad hor leh kusoo rogtay 13 dal oo u badan Muslimiin, isla markaana ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo laga joojiyey bixinta fiisooyinka cusub ee dalkaasi.

Imaaraadka ayaa dalalkaasi ka joojiyey fiisooyinka booqashada iyo shaqada ee uu hore u siin jiray muwaadiniinta kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Somalia, Iran, Turkey iyo Syria, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waraaqda xanibaadan cusub ayaa waxa loo kala diray shirkadaha ka shaqeeya dalkaasi ee inta badan shaqaalaha ka qaata dalalka lagu soo rogay xanibaada.

Waxa lagu sheegay waraaqdaasi ‘in codsiyada shaqaaleynta cusub iyo fiisooyinka booqashada la joojiyay illaa ogeysiis dheeri ah oo ay dowladda Imaaraadka Carabta kasoo saarto dalalkaas.

Xayiraadda fiisaha ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia, sida ku xusan waraaqda kasoo baxday Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa intaas kusii daray in amarkan cusub uu dhaqan galay Arbacada toddobaadkii hore oo ku taariikhsneyd 18-kii November, sida ku cad dukumentiyada ay soo xigatay warbaahinta.

Illaa hadda majiro war rasmi ah oo ay warbaahinta la wadaagtay hay’adda aqoonsiga iyo jinsiyadaha ee Imaaraadka, maadama ay xayiraadan khuseyso arrimaha socdaalka.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu xiriirka Imaaraadka iyo Somalia oo kamid ah dalalka uu ku soo rogay xanibaada fiisaha uu xun yahay xiriirkooda diblumaasiyadeed, kadib markii ay ka dhaweysatay dowladda ay is hayaan ee Qatar.

SOMALI NEWS

To Top