WARARKA SOOMAALI

Haweeneydii u shaqayneysay ICRC ee laga Af-duubtay Muqdisho oo la geeyay Gobolka Mudug-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Haweeneydii u dhalatay Jarmalka ee bishii hore lagu afduubtay magaalada Muqdisho ayaa lagu hayaa meel ku dhow degmada Hobyo.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay ku heystaan Haweeneydan meel 5KM u jirta degmada Hobyo, kagana beegan dhanka Galbeed.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka Hobyo oo lagu magacaabo Cali Aadan ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in haweeneyda lagu haayo meel godod iyo howd ah oo ay ku qariyeen dableydii afduubatay.

“Nimankaas hubeysan meel 5KM u jirta Hobyo ayay ku hayaan, maalmo ka hor ayaa laga soo sheegay, waxay wataan labo gaari, teendhooyin ayay meeshaas ka taagteen”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in kooxda hubeysan ee gabadha gacanta ku haya ay gaarayaan tobaneeyo ruux, isla markaana ciidamo ka yimid dhanka Gaalkacyo ay baadigoob ku hayaan sida uu yiri.

3-dii bishii May ayay aheyd markii Haweeneydan u shaqeyneysay ICRC laga afduubtay xarun ay Hey’adda ku laheyd agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana afduubka ka dambeeyay mid ka mid ah Ilaalada hey’adda oo ka tirsanaa shirkad gaar ah oo qaabilsan ammaanka.

SOMALI NEWS

To Top