WARARKA SOOMAALI

Guudlaawe oo qaaday tallaabo xog looga keenayo khasaaraha Qaraxyadii Baladweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Isniintii ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddigaan oo ka kooban 9-Xubnood ayuu Madaxweyne Cali Guudlaawe faray in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada qasaaraha ee uu geystay

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Cabdiraxmaan Daahir Guure oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Guddigaan ayaa laga sugayaa inay soo qiimeyaan khasaaraha qaraxyadii ka dhacay magaalada Baladweyne.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Baladweyne ka dhacay, halka afartameeyo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, kuwaasi oo intooda badan xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhrso magacyada Guddiga 

 

Guudlaawe oo qaaday tallaabo xog looga keenayo khasaaraha Qaraxyadii Baladweyne
To Top