WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan muhiim u ah Al-shabaabka Sh/Dhexe

Wararka aan ka heleyno deegaanka Geel-gub oo ku dhow Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay gelinkii dambe shalay la wareegeen Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah.

Ciidanka dowladda ee qabsaday deegaanka Geel-gub ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, waxaana Ciidanka ay deegaankaas kula wareegeen si nabad ah, iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, ayna halkaas isaga baxeen Al-shabaabkii ku sugnaa.

Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab oo ku sugan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, Abaabulka ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaan ka tirsan DFS.

Qabsashada deegaanka Geel-gub ayaa kusoo aaday, iyada kooxda Al-Shabaab ay shalay Masjidka Cali Gaduud ee Shabeellada Dhaxe kusoo bandhigeen dad shacab ah oo hubeysan, kuwaas oo ay ku sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada dowladda.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay abaabulka ka socdo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan muhiim u ah Al-shabaabka Sh/Dhexe
To Top